Guardiola Oo Qirtay In Uu Xal U Waayay Hal Dhibaato Oo Kooxdiisa Haysata Xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuusan “xal u heli karin” guuldarrooyinka soo noqnoqda ee kooxdiisa ka dib marka ay dhawr mar lumiyeen hogaanka kulamada.

Erling Haaland ayaa laba jeer hogaanka u dhiibay kooxdiisa laakiin Man City ayaa difaacan Wayday goolasha waxana ay la kulantay guuldaro xanuun badan.

Ma ahan markii ugu horaysay ee Man City Man City ay lumiso hogaan xilli ciyaareedkan.

Tababare pep Guardiola ayaana Qirtay in uu isagu Iska leeyahay khaladka.

Isaga oo aritaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxay dhacday marar badan, haddii ay wax dhacaan marar badan waa sababtoo ah ma heli karo xal”.

“Waxa uu ahaa sanadkii ay Madrid fiicnaatay, natiijo fiican ayaanu helnay daqiiqadihii ugu dambeeyay, waanan iska daynay, waxa aanu helnay rigoore, laakiin ciyaarta waxa ay ahayd mid aad u qurux badan, waxa ay heleen fursado aan horay loo arag marka ay joogaan Etihad”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga