
Paul Merson ayaa aaminsan in guusha ay Liverpool ka gaarto kulanka Merseyside derby ay xaqiijinayso ku guulaysigooda premier league xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa ka hadhay tartanka FA Cup-ka kadib guuldaro ay kala kulmeen kooxda Playmouth.
Dareenka ayaa haatan loo jeedin doonaa Premier league iyada oo Reds ciyaari doonta kulankooda baaqiga ah iyaga oo ciyaari doona maalinga Arbacda.
Merson ayaan aaminsan in hadii ay Liverpool badiso kulankaas ay ku guulaysan doonto horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.
Kooxda Slot ayaa haatan 6 dhibcood ka Horaysa Arsenal Oo Ku jirta kaalinta 2-aad kala saraynta premier league.
Hadii ay Reds badiso kulanka baaqiga u ah waxa ay ka horayn doontaa Arsenal 9 dhibcood.
“Hadii Liverpool ay guul ka gaarto Everton, waxa ay Arsenal ka horayn doontaa 9 dhibcood”.
“Waxa dhiman 15 dhibcood sidaas darteed waxa aan qabaa in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier league xilli ciyaareedkan”
Be the first to comment