Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka laabatay heshiiska Mathys Tel maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga sababtoo ah hal dalab oo muhiim ah oo uga yimid Bayern Munich.
Xiddiga Mathys Tel ayaa noqday xiddiga loogu doonista badan yahay maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa January iyada oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin chelse, Man United, Arsenal, Tottenham Iyo kooxo kale.
Xiddiga Mathys Tel ayaa iska diiday dhamaan kooxaha kale waxana uu go’aansaday in uu ku biiro kooxda Man United.
Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaa heshiiska ka baxday maalintii gu dambaysay ee suuqa kala iibsiga January.
Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in sababta ay Man United uga baxsay heshiiska ay Tahay in Bayern Munich ay doonaysay kaliya heshiis amah ah oo aanay ku jirin iib toos ah xagaaga.
Man United ayaan doonayn in ay amah kaliya kula wareegto xiddiga laakiin doonaysay in ay si toos ah ula wareegto xagaaga dambe.
Be the first to comment