Van Dijk Oo Ka Farxiyay Liverpool, Maxaa Cusub.

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in uu hogaamiye u noqdo kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Arne Slot ee garoonka Anfield.

Horaantii bishaan, Slot ayaa loo magacaabay bedelka Jurgen Klopp, isagoo qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah si uu u noqdo tababaraha cusub ee Liverpool.

Bixitaanka Klopp ayaa keentay wal-wal Laga qabo sida ay Kooxdu u shaqayn Doonto.

Isagoo ka hadlayay bilawga xerada Euro 2024 ee Netherlands, Van Dijk ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Wali hal sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga, waxaan ahay kabtanka kooxda, waxaanan caddeeyey inaan u joogo tababaraha cusub oo aan ku xamaasadsan yahay mustaqbalka soo socda.

“Sida iska cad, waxaa jiri doona isbedelo badan laakiin waxaan ku kalsoonahay inaan guul weyn ka gaari doono. Dabcan waan u hambalyeeyay, runtiina waan ku faraxsanahay isaga iyo qoyskiisaba. Waxaan ka hadalnay kooxda iyo mustaqbalka, laakiin hadda diiraddaydu waxay si buuxda u saaran tahay xulka qaranka”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga