Cole Palmer Oo jabin Kara Rikoodh Ay Dhigeen Lampard & Drogba

Weeraryahanka Chelsea Cole Palmer ayaa isku dayi doona inuu jabiyo rikoorka gooldhalinta kooxda kulanka axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Bournemouth.

Inkasta Oo ay ku jirto xilli ciyaareedkii ugu xumaa hadana Chelsea ayaa ku dhaw in ay u Soo baxdo tartamada yurub.Ka dib markii ay garaaceen Brighton & Hove Albion bartamihii isbuuca, Blues ayaa geli doonta maalinta ugu dambeysa ee horyaalka iyaga Oo ku jira Kaalinta 6-aad isla markaas 3 dhibcood ka dambeeya kooxaha Man United iyo Newcastle.

Kooxda Mauricio Pochettino ayaa og inay u baahan yihiin kaliya hal dhibic kulanka axada ee gurigooda si ay u dammaanad qaadaan inay ku dhameystaan lixda sare.

Cole Palmer ayaa ah xiddiga ugu Fiican kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 22 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale 33 kulan oo uu saftay horyaalka premier League.

Xiddiga reer England ayaa haatan fursad u haysta in uu si cajiib ah ku Soo xidho Xilli ciyaareedkiisa cajiibka ah Oo uu ku noqon karo xiddiga ugu Goolasha badan Stamford Bridge taariikhda Kooxda.

Isagoo dhaliyay 16 gool oo horyaalka ah Stamford Bridge xilli ciyaareedkan, Palmer wuxuu hadda rikoorka la wadaagaa halyeeyada Chelsea, Frank Lampard iyo Didier Drogba.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga