Xiddig Man United Macasalaamayn Doona Caawa Oo La Ogaaday

Aaron Wan-Bissaka ayaa lagu soo waramayaa inuu macsalaamayn doono taageerayaasha Manchester United ka dib kulanka Newcastle ee caawa premier league.

Red Devils ayaa macasalaamayn doona taageerayaasha kulanka Newcastle ee caawa maadama uu yahay kulankii ugu dambayay ee ay ku ciyaarayeen garoonkooda premier league.

Bixitaanka Raphael Varane ee Old Trafford ayaa hore loo xaqiijiyay, halka Anthony Martial iyo Jonny Evans ay sidoo kale ka tagayaan kooxda marka uu qandaraaskoodu dhaco dhamaadka June.

Sida laga soo xigtay The Sun, Wan-Bissaka ayaa sidoo kale macsalaameyn doona Arbacada, iyadoo daafaca dambeedka midig la filayo inuu ka tago Red Devils inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in Man United ay diyaar u tahay inay qiimo jaban ku iibiso Wan-Bissaka xagaagan, iyadoo qandaraaskiisa Old Trafford uu ka harsan yahay kaliya sanad kale.

Wan-Bissaka ayaa xilli ciyaareedkan si joogto ah ugu ciyaara Red Devils, isagoo u saftay 27 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka faa’ideystay dhibaatada dhanka daafaca ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga