Xiddig Liverpool Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Liverpool

Mid ka mid ah goolhayayaasha kooxda koowaad ee Liverpool ayaa xaqiijiyay inuu isha ku hayo inuu ka tago Anfield suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Khabiirka Isbaanishka ah ee Adrian ayaa noqday dooqa saddexaad ee tababare Jurgen Klopp isaga oo ka dambeeya Alisson Becker iyo Caoimhin Kelleher isaga oo si lama filaan ah hal kulan ugu soo muuqan kooxda xilli ciyaareedkan.

37-sano jirkaan ayaa kursiga keydka fadhiyay Premier League, Europa League, FA Cup iyo EFL Cup inkasta Oo uu Alisson dhaawac ku maqnaa isaga Oo aan wax kulan ah ciyaarin tan ilaa community Shield sanadkii 2022.

Qandaraaska Adrian ee Anfield wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, goolhayihii hore ee West Ham United iyo Real Betis ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxda Marka uu dhoco heshiiskiisu.

Wareysi uu dhawaan siiyay Mucho Deporte Goolhayaha reer Spain ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo xilli ciyaareedka 2024-25, inkastoo uu qirtay inuusan weli kala hadlin mustaqbalkiisa Liverpool.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku laabto LaLiga ka dib 11 xilli ciyaareed oo Premier League ah, waxay noqon doontaa xiritaanka wareeg, wali waxaan diyaar u ahay inaan tartamo, waxaan dareemayaa wanaag inkastoo 37 jir ah,” ayuu yiri Adrian.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga