
Wojciech Szczesny ayaa qaab ciyaareed fiican Soo bandhigay kulankii ay kooxdiisu ka badisay Benfica kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.
Kooxda Barcelona ayaa ku badisay 1/0 iyada oo 10 Xiddig ku dhamaysatay inta badan ciyaarta.
Goolhayaha ayaa ahaa midka ugu mashquulka badan isaga oo marar badan badbaadiyay goolkiisa una Diiday in u kubadu shabaqiisa gasho.
Sida laga soo xigtay Opta, Szczesny ayaa sidoo kale sameeyay taariikh kooxda Barcelona ah kadib markii uu sameeyay 8 badbaadin.
Waxa uu sidaaas ku sameeyay taariikh cusub maadama uu noqday Goolhayaha sameeyay badbaadinta ugu badan kulan kaliya taariikhda kooxda.
Be the first to comment