WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Final champions League Oo La Soo Saaray.

Waxa caawa la Ciyaari Doonaa Final champions league xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Real Madrid iyo Dortmund ayaa isaga Hor iman doona kulanka ugu weyn kooxaha yurub.

In uu xiddigu gool ka dhaliyo Final champions league waa mid cajiib ah iyada Oo Xiddig kasta ku riyoodo in uu shabaqa Soo taabto kulanka.

Waxa jira xiddigo tiro yar Oo dhaliyay goolasha Ugu Badan Final champions league.

Xiddig Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ku Magacaabay xiddiga goolasha Ugu Badan ka dhaliyay final champions league.

Ronaldo ayaa dhaliyay 4 gool 6 final Oo champions league ah.

Waxa ku xiga reer Wales ee Gareth bale kaas Oo dhaliyay 3 Gool.

Ramos, Raul iyo Messi ayaa ku xiga Oo dhaliyay min 2 gool Final champions league.

4 Cristiano Ronaldo (Man United, Real Madrid)

3 Gareth Bale (Real Madrid)

2 Samuel Eto’o (Barcelona)

2 Filippo Inzaghi (AC Milan)

2 Daniele Massaro (AC Milan)

2 Lionel Messi (Barcelona)

2 Sergio Ramos (Real Madrid)

2 Raúl González (Real Madrid)

2 Mario Mandžukić (Bayern, Juventus)

2 Hernán Crespo (AC Milan)

2 Diego Milito (Inter)

2 Karl-Heinz Riedle (Dortmund)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga