WARBIXIN: Xiddigaha Daqiiqadaha Ugu Badan Ciyaaray Premier League Oo La Ogaaday

Waxa ku jira Laba Xiddig Oo Ka Ciyaari garoonka dhexediisa iyo 4 Goolhaye xiddigaha Ciyaaray daqiiqadihii ugu badnaa xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi doona xiddigaha ciyaaray daqiiqadihii ugu badnaa xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Andre Onana (Manchester United):

Goolhay Onana ayaa la kulmay dhaleecayn Aad u badan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man United hadana waa xiddiga daqiiqadihii ugu badnaa Ciyaaray xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Bernd Leno (Fulham):

Keliya Jordan Pickford iyo David Raya ayaa ilaashaday shabaqa in ka Bada Leno waxana uu Soo bandhigay qaab ciyaareed Aad u Fiican.

Guglielmo Vicario (Tottenham):

Goolhayaha reer Italy ayaa ahaa xiddiga ugu Fiican Tottenham waxana uu ciyaaray daqiiqadaha ugu badan premier league.

Max Kilman (Wolves):

Kabtanka Wolves ayaa Qaab ciyaar cajiib ah Soo bandhigay waxana uu Kooxdiisa u ciyaaray daqiiqadaha ugu badan

William Saliba (Arsenal):

Kadib markii uu ku Soo Laabatay kooxda Saliba ayaa labadii Sano ee ugu dambeeyay muujiyay tayadiisa isaga Oo Kooxdiisa Arsenal u ciyaaray daqiiqadaha ugu badan waxana uu ka caawiyay in ay u tartanto premier league

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga