Alisson, Ederson, Pochettino & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Man United ayaa diirada ku haysa saxiixa tababaraha Mauricio Pochettino kadib markii uu ka tagay kooxda chelsea (Standard).

Kooxda Man City ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Goolhaye Ederson ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusu (Romano).

Kooxda Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi hadii ay ku fashilmaan saxiixa xiddiga Everton ee Jarrad Branthwaite (Mail).

Everton ayaa u sheegtay Man United in ay bixiso lacag dhan 80 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Jarrad Branthwaite (Sport).

Kooxaha Arsenal, Man United iyo Liverpool ayaa la xidhiidhay kooxda Benfica oo ay ka doonayaan saxiixa daafaca dhexe ee Antonio Silva (Caught Offside).

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa xiddiga kooxda Benfica ee Orkun Kokcu ka dhigtay bartilmaameedkiisa (Givemesport).

Kooxaha horyaalka sucuudiga ayaa doonaya saxiixa Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker (Rudy Galetti).

Kooxda Liverpool ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay kabtanka 2-aad ee kooxda Trent Alexander-Arnold (HITC).

Kooxaha Man City iyo Newcastle ayaa loo sheegay in ay bixiso 60 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Wolves ee Pedro Neto (Telegraph).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga