WARBIXIN: Wax Ka Baro Guushii Ugu Weynayd Ee Ay Arsenal Ku Gaadhay Taariikhda Premier League

Arsenal ayaa dar-dar galisay qaab ciyaareedkooda kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan.

Gunners waa mid ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan Premier League, inkastoo aysan ku guuleysan wax horyaal ah tan iyo 2004.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa ku faanaysa qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda horyaalka.

Magacaabista Mikel Arteta iyo kalsoonida ay u dhiibeen madaxda kooxda ayaa keentay in kooxda ka dhisan waqooyiga London ay dib ugu soo laabato heerka sare ee horyaalka England oo ay mar kale u tartanto koobab.

Ciyaartoyda sida Gabriel Martinelli, Gabriel Jesus iyo wiilka dahabiga ah ee England Bukayo Saka ayaa kor u qaaday qaab ciyaareedka kooxda.

Arsenal ayaa ku dhameysatay xilli ciyaareedkii 2022/23 iyagoo dhaliyay 88 gool.

Xilli ciyaareedkan Arsenal ayaa gaadhay guulo waaweyn premier League uguna dambaysay guushii 6/0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Sheffield United.

Hadaba waa maxay Guusha ugu weyn ee ay Arsenal ka gaadhay premier League?

Guushii abid ugu waynayd ee ay Arsenal gaadho Premier League ayaa ahayd mid 7/0 ah oo ay ka gaadhay premier League.

Dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2004/05 Arsenal ayaa 7-0 ku garaacday Everton ciyaar ka dhacday Highbury iyada oo ay goolasha u dhaliyeen Robert Pires iyo Robin van Persie, Patrick Vieira, Edu. Dennis Bergkamp iyo Mathieu Flamini.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga