Osimhen, Alonso, Ten Hag, Pochettino & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United iyo Paris St-Germain ayaa u muuqda kuwa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Napoli iyo Nigeria Victor Osimhen, oo 25 jir ah xagaaga (Independent).

Liverpool ayaa laga yaabaa inay Bayer Leverkusen lacag rikoodh ah si ay u hesho saxiixa tababare Xabi si ay ugu badasho Klopp (Mirror).

Bayern Munich ayaa caydhin doonta tababare Thomas Tuchel dhamaadka xilli ciyaareedka iyaga oo doonaya in ay ku badalaan Alonso (Sky Sports Germany).

Chelsea ayaa badalka Mauricio Pochettino u calaamadsatay Tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi iyo Tababaraha Sporting Lisbon ee Ruben Amorim (Guardian).

Tiro ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa aaminsan in tababaraha reer Holland Erik ten Hag la caydhin doono dhamaadka xilli ciyaareedkan (Mail).

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay kor u qaaddo dalabkeeda ku aadan daafaca bidix ee kooxda Bayern Munich iyo xulka Canada Alphonso Davies, oo 23 jir ah, ilaa 43 milyan (Cadena Ser).

Davies ayaa doonaya inuu ka tago Bayern, kuwaasoo isku diyaarinaya inay u dhaqaaqaan 26 jirka daafaca bidix ee AC Milan iyo xulka France Theo Hernandez si uu u noqdo bedelkiisa (Sky Sports Germany).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Matthijs de Ligt ayaa iska diiday kooxda Man United si uu u sii joogo Bayern Munich (sportsmole).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga