![WhatsApp Image 2024-03-05 at 16.45.58_9189b4f4](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2024/03/WhatsApp-Image-2024-03-05-at-16.45.58_9189b4f4.jpg?resize=678%2C381&ssl=1)
Kooxda Dawlada Hoose ee Burco ayaa garaacday Kooxda Asluubta ee Hargiesa kulan dhacay garoonka Cabdala Staduim ee magaalada Bar-bera.
Kulanka ayaa ahaa final-ka ama kulanka kama dambaysta ah ee Somaliland Champions League oo ay isugu yimaadaan kooxaha gobolda Somaliland ka ciyaara.
Kooxda Dawlada hoose ee Burco ayaa ku dur-durisay kooxda Asluubta ee Hargiesa kulan dhinac kaliya ahaa guud ahaan ciyaarta.
Kooxda Dawlada Hoose ee Burco ayaa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cabdifataax Nani kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Ka hor dhamaadkii qaybta hore ayuu xiddiga Cabdilaahi Jiiro hogaanka u dheereeyay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Qaybtii dambe ayay kooxda Asluubta Hargiesa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin uma aysan suurtogalin arintaas.
Dhamaadkii ciyaarta ayay kooxda Burco dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga shaakir cawaale kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo kooxda Dawlada hoose ee Burco ku guulaystay champions League Somaliland markii ugu horaysay taariikhdooda.
Be the first to comment