WARBIXIN: Saxiixyada Ugu Waaweyn Ee Ka Dhici Kara Premier League Suuqa Xagaagan.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa ku dhow inuu  furmo waxana la filayaa in ay dhacaan saxiixay waa weyn.

Kooxaha waaweyn ayaa durba bilaabaya shaqada saxiixayada ay doonayaan in ay dhamaystiraan.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixayada ugu waaweyn ee la filayo in ay ka dhacaan premier league.

Florian Wirtz (£125million) :

Manchester City ayaa iska fogeysay tartanka loogu jiro saxiixa kubad sameeyaha Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz, kaasoo loo arkayay bartilmaameedka ugu sareeya ee bedelka Kevin De Bruyne. Bayern Munich ayaa loo arkay kuwa ugu cad-cad ku guulaysiga saxiixa xiddiga laakiin Liverpool ayaa u muuqata kuwo ku guulaysanaya saxiixa xiddiga.

Alexander Isak (£120million) 

Arsenal waxa ay indhahooda ku hayeen Alexander Isak goor hore, laakiin waxay bilaabeen inay ka baqaan inuu u badan yahay inaan la heli karin. Haddii uu ka tagayo Newcastle United, waxay noqon doontaa mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ugu xiisaha badan xagaaga, ilo wareedyo ayaa si maldahan u sheegay in Liverpool ay aaminsan tahay in ay heli karaan saxiixa xiddiga.

Hugo Ekitike (£84million) :

Liverpool, Arsenal, Manchester United,Chelsea iyo Newcastle United ayaa lala xiriirinayaa weeraryahanka Eintracht Frankfurt Hugo Ekitike, halka West Ham United, Crystal Palace iyo Everton ay sidoo kale xiiseeyaan.

Benjamin Sesko (£84million) 

Arsenal ayaa ka fiirsanaysay inay la soo saxiixato Benjamin Sesko ama Viktor Gyokeres suuqa xagaaga si ay ugu xaliyaan dhibaatada weerarka.

Rodrygo (£80million)

Rafael Leao (£70million)

Viktor Gyokeres (£62million)

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga