WARBIXIN: Pochetino,Tuchel,De Zerbi & Tababarayaasha Suuqa Laga Heli Karo.

Waxa dhanaaday xilli ciyaareedka 203/2024 waxana Laga dareemayaa tababarayaasha suuqooda.

Waxa jira is badalo badan Oo ka dhacaya suuqa iyada Oo kooxo badan raadinayaan Tababare cusub.

Pochetino, Tuchel iyo Di Zerbi ayaa ka tagay kooxohooda Kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi Doonaa 10-ka Tababare ee Suuqa Laga heli karo haatan:.

1.Antonio Conte;

Waa Tababare Fiican Oo jecel in uu guulaysto waxa uu ku Soo guulaystay koobab badan Oo ay ka mid yihiin horyaalo iyo waliba koobab kale.

2) Zinedine Zidane

Waa Tababare kale Oo haysta koobab badan kana mid yihiin champions league iyo koobab kale waana bilaa koox muddo Aad u dheer.

3) Thomas Tuchel:

Tababarahan ayaa ka tagay kooxda Bayern Munich Kadib xilli ciyaareed adag Oo ay kooxdu ku dhamaystay koob la’aan markii ugu horaysay Muddo dheer.

4) Mauricio Pochettino

Sumcada Pochetino ayaa Aad u xumaatay Kadib markii uu ku fashilmay in uu ku shaqeeyo Chelsea Oo loo galiyay lacag Waali ah xagaagii hore.

5) Hansi Flick:

Tababarahan ayaa ka Soo kabsanaya shaqo ka caydhintii xulka Germany ee koobkii adduunka walina waxa uu raadinayaan shaqo cid ku aaminta.

6) Jose Mourinho:

Waxa aan odhan karnaa waa tababaraha ugu caydhinya badan Inta Halkan ku jirta maadama ay kooxo badan Albaabka tuseen xirfadiisa ciyaareed.

7) Julen Lopetegui

8) Joachim Low

9) Roberto De Zerbi

10) Graham Potter

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga