Miyuu Pochetino Noqonayaa Tababaraha Man United

Wararka ayaa daaha ka qaaday in Mauricio Pochettino uu u furnaan doono ‘ku soo laabashada degdega ah’ ee maamulka Manchester United ka dib markii laga ceyriyay Chelsea.

Blues ayaa iska Caydhisay Pochetino Kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka.

Madaxda Chelsea ayaa go’aansaday inay shaqada ka caydhiyaan tababarihii hore ee Tottenham Hotspur dhamaadkii xilli ciyaareed adag, kaasoo ku dhamaaday guul aad u wanaagsan.

Tababaraha reer Argantina ayaa horay loola xiriirinayay Man Utd ka hor inta uusan Erik ten Hag la wareegin 2022, waxaana la soo jeedinayaa inuu bedeli karo ninka reer Holland.

Pochetino ayaa haatan ah tababaraha ugu Cad-Cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Manchester united.

Sida Laga Soo xigtay talkSPORT Pochetino ayaa jecel in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda man United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga