
Manchester City ayaa cadaadiska ku sii haysay Arsenal kadib markii ay si ku meel gaar ah dib ugu soo laabatay hogaanka Premier League.
Kooxda Pep Guardiola ayaa 4-0 kaga badisay Fulham galabnimadii sabtida iyadoo Josko Gvardiol uu dhaliyay laba gool Halka Julian Alvarez iyo foden dhaliyeen labada gool ee kale.
Dhanka kale Arsenal ayaa marti u noqon doonta Manchester United Axada. United, iyadoo ku jirta qaab ciyaareed aad u xun laakiin waxa ay abaal weyn u Gali karaan kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Manchester ee Man City hadii ay dhibco ka reebtaan Arsenal.
Man City ayaa gacanta ku haysata Hal kulan Oo baaqi ah iyaga Oo la Ciyaari doona Tottenham.
Maxay u baahan yihiin Man City iyo Arsenal si ay ugu guuleystaan horyaalka Premier League?
Hadda si aad ah ayey ugu fudud tahay City – inay badiyaan labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaareen Tottenham iyo West Ham, waxaana loo caleemo saari doonaa horyaalnimada sannadkii afaraad oo xiriir ah.
Dhanka kale Arsenal ayaa u baahan in ay badiso labada kulan ee u hadhsan isla markaas ay rajayso in ay Man City Dhibco Lumiso.
Be the first to comment