Chicharito Oo Hadal La Yaab Leh Ku Soo Afjaray Doodda Messi Iyo Ronaldo

Halyeygii hore ee xulka Mexico, Javier Hernández oo si weyn loogu yaqaan Chicharito, ayaa ka hadlay doodda muddada dheer socotay ee ku saabsan cidda ah ciyaaryahanka ugu weyn taariikhda kubadda cagta ee u dhexeysa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Wuxuu sheegay in dooddu aysan ku koobnayn oo keliya isbarbardhigga labada xiddig, balse ay sidoo kale la xiriirto qofka ay dadku naftooda ku arkaan ama ku daydaan.

Messi iyo Ronaldo waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay inay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta. Si kastaba ha ahaatee, doodda ku saabsan midka ka wanaagsan ayaa socotay ku dhowaad labaatan sano, iyadoo taageerayaal, falanqeeyayaal, ciyaartoy iyo dad badan oo kubadda cagta ku lug leh ay aragtidooda ka dhiibteen.

Wareysi uu bixiyay oo ay soo xigatay Marca, Chicharito ayaa sheegay in markii sodohdiis ay weydiisay cidda uu u arko tan ugu wanaagsan, uu ugu jawaabay:

“Waxa ugu muhiimsan waa maxay waxa aad ugu jeceshahay ama aad ku qaddariso ciyaaryahan? Messi waa Superman, halka Cristiano Ronaldo uu yahay Batman. Superman wuxuu ku dhashay awood gaar ah, laakiin Batman kuma uusan dhalan. Batman wuxuu isku dhisay dadaal, anshax, geesinimo iyo adkaysi ilaa uu noqday qof aan caadi ahayn.”

Chicharito wuxuu sii sharaxay in Messi uu leeyahay hibo dabiici ah oo aan caadi ahayn, isagoo yiri:

“Messi waa astaanta hibada saafiga ah. Marka aad daawanayso wuxuu sameynayo waxay u muuqataa mid sahlan, sidii inuusan xeerarka caadiga ah ee kubadda cagtu saameyn ku lahayn. Wuxuu waxyaabaha adag ka dhigaa kuwo fudud. Kooxo badan ayaa qaab ciyaareedkooda ku dhisa isaga, waana arrin macquul ah, sababtoo ah waa hibo aan hore loo arag. Messi wuxuu matalaa qof ku dhashay hibo aan caadi ahayn.”

Dhanka kale, Chicharito wuxuu sheegay in Ronaldo uu anshaxa iyo dadaalka joogtada ah ka dhigtay hibadiisa ugu weyn, isagoo ku ammaanay sida uu sannado badan ugu huray shaqo adag, go’aan adag iyo horumar joogto ah si uu u gaaro heerka uu maanta joogo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga