
Xili Ciyaareedka 2024/2025 Premier League ayaa soo dhamaaday waxaana dareenku haatan u weecan doona suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxaha Ingariiska ayaa la filayaa in ay lacag badan ku bixiyaan suuqa kala iibsiga inta lagu jiro suuqa xagaaga si ay u xoojiyaan kooxohooda.
Laakiin 66 ciyaartoy ayaa sidoo kale rajaynaya in loo yeedho taas oo u sahlaysa dariiqa ay dib ugu soo laabanayaan ciyaarta maadama heshiisyadoodu dhacayaan Bisha dambe.
Sida caadiga ah, dhammaan qandaraasyada ciyaartoygu waxay ku eg yihiin 30ka June, iyadoo suuqa kala iibsigu si rasmi ah u furmi doonto 1da Bisha July.
Ciyaaryahan kasta oo uu qandaraaskiisu dhacayo 30-ka June ee sanadkan waxa uu raadin doonaa koox cusub, waxa uuna ku dhaqaaqi karaa lacag la’aan.
Naadiyada qaar ayaa laga yaabaa inay isku dayaan inay ka saxiixdaan xiddigaha heshiiskoodu dhacayo heshiis cusub sida Arsenal Iyo Thampas Partey.
Hadda, Partey wuxuu ka baxayaa albaabka iyada oo aan weli heshiis laga gaarin qandaraas cusub. Si la mid ah, Newcastle ayaa diiday inay heshiis cusub u soo bandhigto Callum Wilson, inkastoo ay weli ku jiraan wada xaajoodyo ku saabsan heshiis cusub oo dhiirigelin ah oo ku saabsan weeraryahanka.
Kevin De Bruyne ayaa hogaaminaya ciwaanka xiddigaha xorta ah xagaagan waxana uu ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Napoli.
Mirror Football ayaa soo bandhigtay dhammaan 66-ka ciyaaryahan ee lagu heli karo beeca xorta ah ee kooxaha Premier League.
Arsenal:
Jorginho, Thomas Partey
Aston Villa
Kortney Hause, Robin Olsen
Brentford
Josh Dasilva, Ben Mee
Brighton
Tariq Lamptey, James Milner
Chelsea
Lucas Bergstrom
Crystal Palace
Nathaniel Clyne, Joel Ward, Remi Matthews
Everton
Dominic Calvert-Lewin, Abdoulaye Doucoure, Michael Keane, Idrissa Gueye, Joao Virginia, Ashley Young, Seamus Coleman, Joao Virginia, Asmir Begovic, Mason Holgate, Neal Maupay
Fulham
Kenny Tete, Carlos Vinicius, Tom Cairney, Willian
Ipswich
Axel Tuanzebe, Cameron Burgess, Massimo Luongo, Marcus Harness, Elkan Baggott
Leicester City
Jamie Vardy, Danny Ward, Daniel Iversen
Liverpool
Trent Alexander-Arnold, Harvey Davies
Manchester City
Kevin De Bruyne, Scott Carson
Manchester United
Victor Lindelof, Christian Eriksen, Jonny Evans, Tom Heaton
Newcastle United
Callum Wilson, Jamal Lewis, Mark Gillespie, John Ruddy
Nottingham Forest
Harry Toffolo, Willy Boly, Wayne Hennessey
Southampton
Kyle Walker-Peters, Adam Lallana, Joe Lumley
Tottenham
Sergio Reguilon, Fraser Forster, Alfie Whiteman, Ben Davies
West Ham
Danny Ings, Vladimir Coufal, Michail Antonio, Lukasz Fabianski, Aaron Cresswell, Kurt Zouma
Wolves
Nelson Semedo, Pablo Sarabia, Craig Dawson
Be the first to comment