WARBIXIN: 3 Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Tottenham Iyo Man United.

Kooxaha Man United iyo Tottenham ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan premier League iyada oo ay iska hor iman doonaan laba kooxood oo ku tartamaya kaalinta 4-aad.

Labada kooxood ayaa kulanka galaya iyaga oo ku jira kaalmaha dhexe ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kooxaha ayaa u baahan in ay guul gaadhaan waxana ay koox kasta doonaysaa in ay 3-da dhibcood gacanta ku dhigto.

hadaba warbixintan waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan labada kooxood.

Manuel Ugarte vs James Maddison:

Xiddiga Manuel Ugarte ayaa la tijaabin doonaa maadama la filayo in uu ciyaaro kulankiisii ugu weynaa ee premier League.

Xiddiga ayaa si fiican u ciyaaray kulankii Fc Twente laakiin waxa uu ka hor iman doonaa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee James Maddison.

Dominic Solanke vs Matthijs de Ligt:

Daafaca De Ligt ayaa ka hor iman doona xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Solanke kaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya Tottenham.

Joshua Zirkzee vs Cristian Romero:

Xiddiga Zirkzee ayaan wax gool ah dhalin tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu la qabsado premier League.

Xiddiga reer Netherlands ayaa ka hor iman doona daafaca dhexe ee Romero kaas oo la filayo in uu ka hor tago xiddiga Zirkzee.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga