Erik Ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Leny Yoro.
Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in daafaca Manchester United ee Leny Yoro uu ka soo kabsanayo dhaawacii soo gaadhay isla markaas uu sugi laayahay in uu kooxda dib ugu soo celiyo daafaca da’tarka ah.
Red Devils ayaa ku garaacday Real Madrid si ay 18-sano jirkaan ugala soo saxiixdaan Lille intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo heshiis shan sano ah u saxiixay Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, Yoro ayaa dhaawac soo gaadhay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ka dhacay dalka Mareykanka, mana uusan safan kulankiisii ugu horreeyay ee rasmi ah.
Yoro ayaan la filayn in la helo ilaa bisha November laakiin Ten Hag ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu si fiican u soo kabsanayo.
Wuxuu yiri: “Haa, aad ayuu u wanaagsan yahay, aad ayaan u faraxsanahay waxa uu si fiican uga soo kabsnayaa dhaawaca waxana aan filayaa in uu dhawaan u soo laabto”.
“Waxa uu joogaa meeshii saxda ahayd, waxa uu sida ugu dhakhsaha badan ugu soo laaban doonaa kooxda, ka dibna tababarka kooxda”.
Be the first to comment