Milkiilaha Amazon Jeff Bezos ayaa si rasmi ah u iibsaday saamiga kooxda Liverpool, kadib toddobaadyo ay socdeen warar iyo xan ku saabsan maalgelintiisa kooxda.
Bezos ayaa qayb ka noqonaya isbahaysi ganacsi oo loo bixiyay “1892 Holdings”, kaasoo uu hoggaaminayo maalqabeenka British-Indian-ka ah Amit Bhatia, oo hore uga tirsanaa maamulka kooxda QPR, Isbahaysigan waxaa sidoo kale taageeraya Eduardo Saverin, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Facebook.
Heshiiska cusub ayaa lagu sheegay in isbahaysigu iibsanayo saddex-meelood meel Liverpool, iyadoo qiimaha heshiisku gaarayo qiyaastii £1.65 bilyan. Taas ayaa qiimeynta guud ee Liverpool ka dhigaysa ku dhowaad £5.5 bilyan.
Si kastaba ha ahaatee, Fenway Sports Group (FSG) ayaa weli sii haysanaysa saamiga ugu badan iyo maamulka hawlgalka kooxda. Sidaas darteed, Bezos iyo maalgashadayaasha kale ma noqonayaan milkiilayaasha buuxa ee Liverpool, balse waxay noqonayaan saamiley muhiim ah oo kooxda maalgelinaya.
Amit Bhatia ayaa sidoo kale loo magacaabay ku-xigeenka guddoomiyaha Liverpool, isagoo matalaya 1892 Holdings, FSG ayaa sheegtay in maalgelintan ay kooxda siin karto fursado cusub oo la xiriira ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo horumarinta kooxda gudaha iyo dibaddaba.
Jeff Bezos, oo hantidiisa lagu qiyaasay £213 bilyan, ayaa ka mid ah dadka ugu taajirsan dunida, Maalgashigiisa Liverpool wuxuu kooxda siin karaa xiriirro iyo awood dhaqaale oo dheeraad ah, laakiin ma beddelayo xaqiiqda ah in FSG ay weli leedahay maamulka iyo xukunka ugu weyn ee kooxda.
Marka la soo koobo, Bezos Liverpool ma iibsan, balse wuxuu iibsaday saami muhiim ah oo ka mid ah kooxda, isagoo ku biiray isbahaysiga 1892 Holdings, FSG-na waxay sii ahaanaysaa milkiilaha ugu weyn ee Liverpool.
Be the first to comment