WAR CULUS:- Rodrygo oo ku dhow soo laabashada Real Madrid kadib dhaawac halis ah…….

Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes ayaa lagu soo warramayaa inuu si tartiib tartiib ah ugu soo dhowaanayo ku laabashada garoomada, kaddib dhaawac halis ah oo muddo dheer ka maqnaa Real Madrid, Rodrygo ayaa dhaawac culus ka soo gaaray jilibka midig bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana dhaawacaasi ku dhacay seedda hore ee iskutallaabta (ACL) iyo meniscus-ka dhinaca jilibka.

Dhaawacaas ayaa sababay inuu muddo dheer ka maqnaado kooxda Real Madrid, sidoo kalena uu waayay fursaddii uu ugu qayb geli lahaa xulka Brazil Koobkii Adduunka 2026.

Wararka cusub ayaa sheegaya in Rodrygo la filayo inuu dib ugu soo laabto garoomada bilaha ugu dambeeya ee sanadkan, inkastoo warbixinno kale ay tilmaamayaan in soo laabashadiisa buuxda ay dhici karto bilaha hore ee 2027, Sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano, isaga oo soo xiganaya warbixin ka timid Madrid Extra, Rodrygo ayaa hadda ku sii dhowaanaya inuu dib ugu soo laabto Real Madrid dhammaadka sanadkan.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in xiddiga reer Brazil uu aad ugu mahadcelinayo Real Madrid taageerada iyo kalsoonida ay siisay intii uu ku jiray marxaladda adag ee dhaawaca, Real Madrid ayaa la sheegay inay si joogto ah ula socotay xaaladda ciyaaryahanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo inuu si buuxda uga soo kabsado dhaawaca.

Rodrygo laftiisa ayaa hadda horyaalla hal ujeeddo oo cad: inuu garoomada ugu soo laabto isagoo gaaray heerkiisii ugu fiicnaa ee dhanka jir-dhiska iyo awoodda ciyaareed, Sidaas darteed, Real Madrid ayaan la filayn inay ku degdegto soo celinta ciyaaryahanka, iyadoo kooxda iyo Rodrygo ay doonayaan in soo laabashadiisu noqoto mid buuxda oo aan halis gelin soo kabashadiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga