Bruno Guimarães ayaa ballanqaad xooggan u sameeyay taageerayaasha, isagoo sheegay inuu garoonka ku bixin doono wax walba, isla markaana uusan marnaba is dhiibi doonin.
Bruno Guimarães: “Taageerayaasha waxaan siin doonaa waxa ugu fiican ee aan awoodo, taas waan idiin ballanqaadayaa. Waxaan ahay DAGAALYAHANKIINNA.”
Wuxuu sidoo kale sheegay: “Waligay isma dhiibi doono, Waxaan rajeynayaa inaan si wadajir ah u abuurno xusuuso badan oo wanaagsan.”
Maxay fariintani ka dhigan tahay?
Bruno wuxuu muujinayaa daacadnimo iyo dagaal uu kooxda u hayo.
Wuxuu taageerayaasha u xaqiijinayaa inuusan si fudud uga harayn ama u quusan doonin erayga “I am your warrior” wuxuu muujinayaa inuu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan ay taageerayaashu ku tiirsanaadaan, h?adafkiisu waa inuu kooxda iyo taageerayaasha la wadaago xilli ciyaareed xusuus leh.
Be the first to comment