DEG DEG MAN CITY oo Heshiis lagaartay ciyaariyahankii ubadali lahaa Man City. ?

Manchester City ayaa hal tallaabo oo weyn u qaaday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Lille, Ayyoub Bouaddi, kaddib markii ciyaaryahanka iyo kooxdiisa ay heshiis ka gaareen shuruudaha shaqsiga ee uu ugu biirayo kooxda reer England.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in City ay hadda diiradda saarayso sidii ay heshiiska kama dambaysta ah ula gaari lahayd Lille, iyadoo wada-hadallada labada kooxood ay marayaan heer aad u horumarsan.

Bouaddi, oo 18 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu si gaar ah u doonayo inuu Manchester City ugu biiro hadda, halkii qorshihii hore uu ahaan lahaa in uu Lille sii joogo ilaa 2027, Rabitaanka ciyaaryahanka ayaa sidaas darteed City siinaya fursad wanaagsan oo ay ku soo afjarto tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Manchester City ayaa muddo wadahadallo kula jirtay Lille, waxaana wararku tilmaamayaan in labada kooxood ay hadda aad ugu dhow yihiin heshiis, Qiimaha ciyaaryahanka ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay mid aad u sarreeya, taas oo ka dhigaysa Bouaddi mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn ee suuqa xagaagan.

Haddii heshiiska la dhammeystiro, Bouaddi wuxuu noqon karaa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha mustaqbalka ee Manchester City, gaar ahaan iyadoo kooxda ay u baahan tahay inay qorshe u yeelato khadka dhexe,  Sidaas darteed, waxa hadda dhiman waa in City iyo Lille ay isku afgartaan dhammaan faahfaahinta transfer-ka, kaddibna heshiiska si rasmi ah loo soo gabagabeeyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga