Walker Oo Sheegay Sababta Ay Ku Biiristii Rice Ee Arsenal Ugu Fiicantahay Xulka Qaranka England

Kyle Walker ayaa aaminsan in ku biirista Declan Rice uu ku biiray Arsenal ay door muhiim ah ka qaatay kor u qaadista rajada England ee Euro 2024 xagaagan.

Rice ayaa Arsenal ugu soo biirtay heshiis 105 milyan euro ah oo ay kaga soo iibsatay West Ham xagaagii hore, waxayna qayb muhiim ah ka qaadatay kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkan iyaga oo wali u tartamaya ku guulaysiga Premier League iyo Champions League.

25-sano jirkaan ayaa lagu wadaa inuu noqdo shaqsi muhiim u ah u noqdo xulka Qaranka England tartanka Euro 2024.

Walker ayaana dareensan in horumarka khadka dhexe ee Arsenal uu ka caawin karo England inay wax badan maamusho ciyaaraha muhiimka ah.

Wadahadal uu la yeeshay daaficii hore ee Manchester United iyo England Rio Ferdinand Walker ayaa ammaanay Rice.

“Joogista Declin ee Arsenal waa arin Aad u weyn”ayuu walker yidhi.

“Ma dhahayo ma ahayn ciyaaryahan aad ugu wanagsan markii uu joogay West Ham laakiin hada waxa uu ciyaarta kubad ku salaysan haysashada iyo maamulista taasna waa wax Aad u weyn”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga