Man United Oo Laga Mamnuuci Doono Tartanka Champions League, Sabab.

Manchester United ayaa laga yaabaa in laga mamnuuco inay ka ciyaarto Yurub xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii Sir Jim Ratcliffe uu iibsaday saami yar oo kooxda ah, sida ay wararku sheegayaan.

Ratcliffe ayaa sidoo kale iska leh kooxda reer France ee OGC Nice oo haatan ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka Ligue 1, waxaana sharciga UEFA ee lahaanshaha kooxaha badan uu la macno yahay in aan loo ogolaan doonin in ay isku tartan ka qayb galaan.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa wax yar ka bedelay shuruucdooda, taas oo u ogolaanaysa kooxaha lahaanshaha wadaaga ahi inay ku tartamaan tartamada kala duwan ee Yurub marka la gaadho xilli ciyaareedka soo socda, laakiin waxa weli taagan mamnuucida kooxahaasi inay ciyaaraan hal tartan.

“Waa sax in Manchester United iyo Nice aysan ku ciyaari karin hal tartan” ayuu u sheegay Sun.

“Waxay ciyaari karaan tartamo kala duwan, maadaama aysan jirin wax is dhaafsi ah”

Hadii United iyo Nice u Soo wada baxaan champion league xeerka UEFA ayaa sheegaya in kooxda ku jirta kaalinta sare ee horyaalkooda ay u Soo bixi doonto Champion League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga