Bayern Munich Oo Alphonso Davies U Qabatay Wakhti Uu Go’aan Uga Gaadho Mustaqbalkiisa

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso Alphonso Davies in uu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa fog.

Ciyaaryahanka garabka bidix ayaa ku riyaaqay guul weyn oo uu ku qaatay Allianz Arena, isagoo aruuriyay shan horyaal oo Bundesliga ah iyo Champions League oo ka mid ah koobabkiisa.

Intaa waxaa dheer, waxa uu u saftay 184 kulan tan iyo markii ugu horeysay ee uu u saftay Bayern xilli ciyaareedkii 2018-19, isagoo ah dookha 1-aad ee booskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Canada ayaa gaaray heer xirfadiisa ciyaareed oo uu ka fikirayo dookhyadiisa iyada Oo 18 bilood kaliya uga dhimantahay heshiiskiisa.

Kadib markii uu gaadhay d’da 23 jirka dhamadkii sanadkii hore wax deg+deg ah uguma jiro in uu is badal sameeyo laakiin waxa jira kooxood xiiso u qaba saxiixiisa.

Inta badan waxaa xusid mudan, Real Madrid ayaa la sheegay inay u aqoonsatay Davies mid ka mid ah bartilmaameedyada aasaasiga ah ee suuqa kala iibsiga xagaaga, waxayna diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan.

Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego aragtida Bayern, waxay iska ilaalinayaan in ay xiddiga ku lumiyaab lacag Aad u jaban ama qaab bilaash ah.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Deutschland, Davies iyo wakiiladiisa ayaa lagu wargeliyay in Bayern ay rabto jawaab ku saabsan dalabkooda qandaraas cusub todobada maalmood ee soo socota.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga