Thomas Tuchel Oo Doortay Koox Premier League Ah Oo Uu Doonayo In Uu Tababare U Noqdo, Liverpool Mise…?

Tababaraha Kooxda Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku laabto horyaalka premier League.

Tuchel ayaa la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Germany ayaa haatanba isku diyaarinaya in uu bilaabo shaqo cusub marka uu ka tago kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargayska Bild, Tuchel ayaa doonaya in uu ku laabto horyaalka premier League marka uu ka tago kooxda Bayern Munich xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Tuchel doonayo in uu markan tababare ka noqdo kooxda Man United taas oo ah riyadiisa.

Kooxda.com ayaa xusaysa in Tuchel uu horay uga soo shaqeeyay Premier League isaga oo chelsea kula guulaystay tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga