SuperComputer Oo Saadaaliyay Laba Xul Oo Ku Guulaysan Kara Koobka Adduunka.

Kombiyuutarka saadaasha sameeya ee Opta SuperComputer ayaa saadaaliyay in xulka ku guuleysan doona Koobka Adduunka 2026 uu ka soo bixi doono kulanka nus-dhamaadka ee u dhexeeya France iyo Spain.

Xulka France ayaa u soo baxay afar-dhammaadka tartanka kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen Morocco, iyagoo soo bandhigay ciyaar aad loo amaanay.

Dhanka kale, Spain ayaa si dirqi ah uga gudubtay Switzerland, kadib markii Mikel Merino uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadihii dambe, taasoo ku dhammaatay 2-1.

Saadaasha Opta ayaa muujineysa in haddii France ay gaarto final-ka, ay haystaan 33.81% fursad ay koobka ku qaadi karaan. Halka Spain la siiyay 24.16% fursad ay ku noqon karto horyaalka adduunka.

Nus-dhamaadka kale waxaa isaga hor iman doona Argentina, oo ah difaacaneysa koobka, iyo England. Opta ayaa England siisay 21.97% fursad ay ku qaadi karto koobkeedii ugu horreeyay muddo 60 sano ah, halka Argentina iyo Lionel Messi ay haystaan 20.06% fursad ay ku difaacan karaan horyaalnimadooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga