Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijiyay in kabtanka xulka France, Kylian Mbappe, uu hoggaaminayo tartanka Kabta Dahabka (Golden Boot) ee Koobka Adduunka 2026, isagoo ka horreeya kabtanka Argentina, Lionel Messi.
Qoraal ay FIFA soo saartay Axaddii ayay ku sheegtay in inkastoo Mbappe iyo Messi ay min 8 gool dhaliyeen ka hor kulamada nus-dhamaadka, haddana Mbappe uu ku sarreeyo kala sarreynta.
Sababta ayaa ah in Mbappe uu bixiyay 3 caawin (assists), halka Messi uu leeyahay hal caawin oo keliya, taasoo ka dhigaysa Mbappe inuu hoggaanka u hayo tartanka.
Weeraryahanka xulka Norway, Erling Haaland, oo tartanka laga reebay, ayaa ku dhammeystay 7 gool. Sidoo kale, labada ciyaaryahan ee England, Jude Bellingham iyo Harry Kane, ayaa min 6 gool dhaliyay, iyagoo min hal caawin sameeyay.
FIFA ayaa sharraxday in haddii laba ama in ka badan oo ciyaartoy ah ay isla dhaliyaan tiro isku mid ah oo goolal ah, tirada caawinta (assists) ay go’aamin doonto qofka ku guuleysanaya Kabta Dahabka.
Haddii ciyaartoydu weli isku mid noqdaan marka la eego goolasha iyo caawinta, waxaa markaas la eegayaa wadarta daqiiqadaha ay ciyaareen, iyadoo ciyaaryahanka ciyaaray daqiiqadaha ugu yar loo kala hormarin doono tartanka Kabta Dahabka.
Be the first to comment