Eberechi Eze Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Arsenal.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crystal Palace, Eberechi Eze, ayaa aad u xiiseynaya inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan.

Dhamaadkii usbuuca, Gunners ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada Eze, iyaga oo wax ka ogaaday heshiiska shaqsiga ah.

Inkasta oo 26-sano jirkaan heshiiskiisa lagu bur-burin Karo 68 milyan oo euro waxa jirta aaminsanaan ah in heshiiska lagu heli Karo qiimo intaas ka yar.

Khabiirka kubbada cagta Fabrizio Romano ayaa X Arbacadii ku soo qoray: “Kadib markii xidhiidh toos ah la shaaciyay Isniintii, Eberechi Eze wuxuu albaabada u furay Arsenal”.

“Wuxuu u furan yahay inuu ku biiro mashruuca Arsenal waxaana soo jiitay fursadan mustaqbalkiisa.

“Arsenal waxaa lagu wargeliyay tafaasiisha qodobbada heshiiska iyo wax ka badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga