Wakiilka xiddigii hore ee Liverpool, Mohamed Salah, ee lagu magacaabo Ramy Abbas Issa, ayaa Jimcihii si cad u beeniyay warar sheegayay in Salah uu heshiis la gaaray kooxda Beşiktaş ee ka ciyaarta horyaalka Turkiga.
Warar hore ayaa sheegayay in Salah uu aqbalay shuruudaha heshiis uu ugu biirayo kooxda Beşiktaş.
Isagoo ka falcelinaya arrintaas, Ramy Abbas Issa ayaa sheegay in aan weli wax go’aan ah laga gaarin mustaqbalka Salah, isagoo si toos ah u beeniyay wararkaasi.
Wuxuu bartiisa X ku qoray:
“Anigu shaqsi ahaan ma garanayo kooxda uu Mohamed u ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda. Taasi maxay idiin sheegaysaa?”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ma ahan dhaqankeena inaan wada-hadal la galno kooxo uusan Mohamed doonayn inuu u ciyaaro, kaliya si loo abuuro hadal iyo buuq.”
Mohamed Salah ayaa ka tagay Liverpool dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna sidoo kale u ciyaaray xulka Masar ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee FIFA.
Masar ayaa laga reebay tartanka Koobka Adduunka kadib markii ay guuldarro kala kulantay Argentina wareegga bug-baxa.
Be the first to comment