Morgan Rogers ayaa la sheegay inuu doortay Chelsea halkii uu ka aadi lahaa Arsenal sababo dhowr ah, inkastoo si weyn loola xiriirinayay Gunners.
Sida uu qoray The Athletic, xiddiga khadka dhexe ayaa go’aansaday inuu ku biiro Chelsea kadib markii uu ku qancay mashruuca mustaqbalka ee ay kooxda u bandhigtay.
Intaa waxaa dheer, joogitaanka tababare Xabi Alonso ee Stamford Bridge ayaa door weyn ka qaatay in Chelsea ku qanciso Rogers inuu iska diido Arsenal.
Waxaa sidoo kale la fahamsan yahay in Chelsea u sheegtay Rogers inay qorsheynayso inay inta badan ka ciyaarsiiso garabka bidix xilli ciyaareedka soo socda, arrintaas oo noqotay sababtii ugu dambeysay ee ku qancisay inuu doorto kooxda.
23-jirka ayaa la filayaa inuu toddobaadkan maro baaritaanka caafimaadka (medical) si uu si rasmi ah ugu biiro Chelsea, iyadoo kooxda reer London ay Aston Villa ka bixinayso £117 milyan.
Heshiiskan ayaa ka dhigaya Morgan Rogers ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda Chelsea, isagoo jebinaya rikoodhkii hore ee uu haystay Enzo Fernández, kaas oo kooxda ugu soo biiray £107 milyan sanadkii 2023.
Be the first to comment