WARBIXIN: 5 Xiddig Oo Go’aamin Kara Kulanka Caawa Ee Fc Porto Vs Arsenal.

Kooxda Premier League ka dhisan ee Arsenal ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Gunners ayaa wareega 16-ka ku ciyaaraysa garoonkeeda markii ugu horaysay muddo dheer waxana ay isha ku haysaa in ay iska xaadiriso wareega xiga.

Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha go’aamin kara kulanka caawa:

1.Bukayo Saka – Arsenal:

Wiilka Arsenal ee Bukayo Saka ayaa lugtii hore soo bandhigay qaab ciyaareed aan ahayn midkii looga bartay waxana uu ahaa mid aad u aamisan dhinaca qaab ciyaareedka.

Ma uusan helin boos banaan oo uu ku ordo maadama ay daafaca Fc Porto ahaayeen kuwo si dhaw isugu xidhan.

Kaliya waxa uu Goolka ku laaday 2 laad waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan fiicnayn laakiin kooxdiisa ayaa u baahan in uu soo bandhigo qaab ciyaareed heer sare ah hadii uu doonayo in ay kooxdiisu u gudubo wareega xiga.

2.Pepe – Porto:

Ciyaaryahanka ugu da’da weyn UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, 41-sano jir Pepe ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah Daaficii hore ee Real Madrid ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay awood, isaga oo ka hortagay weeraryahanada ku dhawaad ​​kala bar da’diisa.

3.Declan Rice – Arsenal:

Waxa ay sheegeen in ciyaarta inta badan lagu guuleysto khadka dhexe, taasoo la micno ah inay muhiim tahay in la helo ciyaaryahan adag oo la isku halleyn karo oo dhexda ka ah.

Arsenal, nasiib wanaag waxa ay haystaa Declan Rice oo ka mid ah kuwa ugu fiican khadka dhexe waxana uu ahaa xiddigii ugu fiicnaa Arsenal kulankii Fc Porto ee Lugtii hore.

4.Wenderson Galeno – Porto:

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil Wenderson Galeno ayaa ahaa ninka farqiga sameeyay iyadoo Porto ay garaacday Arsenal lugti hore ee bishii February.

Waxa uu Porto u ciyaaray 36 kulan tartamada oo dhan ilaa haatan, isaga oo u dhaliyay 13 jeer waxana uu caawiye ka ahaa 11 kale.

5.Martin Odegaard – Arsenal:

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa soo qaatay xilli ciyaareed niyad jab leh kulankii Lugta hore waxana uu ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican taas oo keentay in uu awoodi waayo in uu caawiyo kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga