Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

Todobaadkan waxa taariikh laga sameeyay horyaalka premier League kadib markii ay kooxda Man City noqotay kooxdii 9-aad ee hogaanka u qabata horyaalka premier League.

Kooxda Pep Guardiola aya 5/0 ku xasuuqday kooxda West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka premier League xilli ay Man United guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Sheffield United.

Kooxda Leicester City ayaa dhankeeda dhibco lumisay iyaga oo bar-baro la galay kooxda Everton kulan ay Kooxda Liverpool ka faa’iidaystay.

Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda 3/1 ku garaacday kooxda Tottenham iyaga oo kusoo laabtay wadada guulaha horyaalka premier League.

Kooxda West Ham ayaa sii wada guulaha halka ay Kooxaha Leeds United iyo Arsenal guulo gaadheen siina wadaan in ay kor u soo fuulaan kala saraynta.

Kooxda Man City ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig Halka ay kooxda Liveprool 2 xiddig ku leedahay shaxda.

Kooxaha Fulham, Leeds Shefield United, Brighton iyo West Ham ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

PL TOTW GW20

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*