Arsenal Oo Ma Jirto Cid Joojin Karta Arsenal?

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan iyaga oo mar kale kabaha la dul maray Sheffield United.

Arsenal ayaa ku garaacday 6/0 kooxda Sheffield United kulan ka tirsnaaa horyaalka premier Legaue.

Gunners ayaa sii waday natiijooyinkii waaweynaa ee ay ka gaadhayeen horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Ma ahan markii ugu horaysya ee ay Arsenal ku badiso natiijo 5 gool iyo wax ka badan ah kulamadii ugu dambeeyay.

Xaqiiqada ayaa ah in ay Arsenal dhalisay 31 gool kaliya 7 kulan oo ay ciyaartay horyaalka premier League.

Natiijooyinkaas ayaa Arsenal ka dhigaya kuwa xoojinaya fursadohooda ku guulaysiga horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga