Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray qaybtii 2-aad ee kulamada wareega 16-ka champions League.

Salaasadii iyo Arbacadii ayaa la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay Fc Porto halka ay Barcelona iyo Napoli bar-baro galeen.

Kooxaha Dortmund iyo PSV ayaa ku kala baxay bar-baro 1/1 ah kadib kulan xiiso leh.

Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka champions League

Kooxda Barcelona ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig halka ay Inter ku leedahay 3 xiddig.

Kooxda Fc Porto ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Dortmund iyo Napoli shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga