Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Arsenal Iyo Tottenham Oo La Soo Saaray.

Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan Waqooyiga London Derby ee xusuusta dhaweyd ayaa dhici doona galabnimada Axadda, iyadoo Arsenal ay ku loolameyso hanashada horyaalka Premier League halka ay Tottenham ku tartamayso boosaska champions League.

Arsenal ayaa haatan hogaanka u haysa horyaalka, iyadoo hal dhibic ka sareysa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.

Dhanka kale Tottenham ayaa fadhisa kaalinta shanaad iyadoo lix dhibcood ka hooseysa Aston Villa oo ku jirta kaalinta afaraad balse labo kulan ayaa baaqi u ah.

Ka hor kulankooda premier League waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig kadib wacdaro ay dhigayaan.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh 3 xiddig kuwaas oo dhinacooda ku jira qaab ciyaareed fiican.

NLD combined XI

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga