Morgan Rogers ayaa si dadban u duray Arsenal, isagoo sheegay in Chelsea ay tahay kooxda ugu weyn London, .
inkastoo Gunners ay si weyn u doonayeen saxiixiisa. Ciyaaryahanka reer England ayaa sheegay inuu Chelsea u doortay mashruuca kooxda iyo tababare Xabi Alonso, isagoo xusay in falsafadda tababaruhu ay si buuxda ula jaanqaaddo qaabka uu u ciyaaro.
Rogers ayaa markii hore si xooggan loola xiriirinayay inuu ku biiro Arsenal, kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Aston Villa.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay saxiixiisa, iyadoo ku iibsatay lacag dhan £117 milyan.
Wareysigiisii ugu horreeyay ee uu bixiyay markii loo soo bandhigay ciyaaryahan Chelsea ah, Rogers ayaa yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay. Aniga ahaan, Chelsea waa kooxda ugu weyn London, waana koox aan tan iyo yaraantaydii aad u jeclaa oo aan mar walba la dhacsanaa.”
Be the first to comment