Sababtii Ay Man United Ula Soo Saxiixan Wayday Ivan Toney & Victor Osimhen Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa isha ku haysay saxiixa Ivan Toney iyo Victor Osimhen suuqii xagaaga iyaga oo suuqa ugu jiray weeraryahan cusub sida daaha laga qaaday.

Red Devils ayaa keensatay weeraryahan cusub labadii suuq ee ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga xagaagan, taasoo qeyb ka ah codsi ka yimid tababare Erik ten Hag.

Rasmus Hojlund ayaa kaga soo biiray Atalanta sanadkii 2023 halka ay Joshua Zirkzee kala soo wareegtay Bologna Xagaagii.

Laakiin labadaas xiddig ayaan ahayn xiddigaha diirada u saaran Man United iyada oo kooxdu doonaysay xiddigaha Toney iyo Osimhen.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaan u dhaqaaqin saxiixa labada xiddig iyada oo ay sababo kala duwan ka dambeeyeen go’aanka.

Sababta ayna kooxdugu ugu dhaqaaqin Ivan Toney ayaa ah in ay maamulku ka walaacsanaayeen awooda xiddiga ee cadaadiska iyo in aanu ku soo bixi doonin Nidaamka Erik Ten Hag.

Dhinaca kale Man United ayaa uga leexatay saxiixa Osimhen in aanu xiddiga reer Nigeria ku fiicnayn haynta kubada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga