Saaxiibkii Ronaldo oo jeediyey hadal Shock noqday , dood badnna dhaliyey Muxuu yiri …

João Félix ayaa hadal lama filaan ah afka ufurtay kana hadlay horyaalka Sacuudiga kadib markii Al Nassr ay 2-1 kaga soo badisay Al Ittihad, iyadoo xiddiga reer Portugal uu sheegay inuu “kashifi doono horyaalka” haddii uu la hadlo warbaahinta, Al Nassr, oo ah kooxda uu hoggaamiyo Cristiano Ronaldo, ayaa la kulantay guuldarradeedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii George Ilenikhena uu Al Ittihad u dhaliyay labada gool.

Al Nassr ayaa hal gool ka soo celisay ciyaarta, waxaana u dhaliyay Angelo Gabriel, laakiin kooxda martida ahayd ayaa awoodi weyday inay hesho goolka barbaraha, Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaray dhammaan 90-ka daqiiqo, balse wuxuu ku guuldarreystay inuu kooxdiisa ka caawiyo inay ka fogaato guuldarrada.

Waxa ciyaarta kadib si weyn loo hadal hayay falcelinta João Félix, kaasoo aad uga carooday natiijada iyo dhacdooyinkii ciyaarta, Félix ayaa qeybtii labaad qaatay kaar jaalle ah kadib qalad uu galay, waxaana u muuqday inuu wali ka xanaaqsan yahay go’aanka garsooraha Khalid Saleh Al Turais.

Markii uu ciyaarta kadib marayay goobta ay warbaahintu ciyaartoyda kula kulanto, Félix wuxuu diiday inuu su’aalo ka jawaabo, Markii wariyayaashu ay isku dayeen inay la hadlaan, muuqaal laga duubay ayaa muujiyay isagoo leh:- “Idinlama hadli doono, haddii aan hadlana waan kashifi doonaa horyaalka.”

Hadalkan ayaa durba dhaliyay hadal-heyn xooggan, inkastoo Félix uusan faahfaahin ka bixin waxa uu ula jeeday ama waxa uu sheegay inuu “kashifi doono”.

Guuldarradan ayaa soo afjartay taxanihii 7 kulan oo xiriir ah oo Al Nassr aan laga badin, kaasoo soo bilowday xilli ciyaareedkii hore, Kooxda ayaa markii ugu dambeysay laga adkaaday 3-dii May, markaas oo ay guuldarro kala kulantay Al Qadsiah.

Al Nassr ayaa sidoo kale hadda saddex dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Al Hilal, kuwaas oo xilli ciyaareedkan weli aan laga badin, iyagoo badiyay dhammaan shantii kulan ee ay ciyaareen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga