
Ruben Amorim waxa uu og yahay in cadaadiska saaran uu sii xoogaysan doono hadii uu Manchester United ku hogaamin karin koobka Europa League todobaadka soo socda.
Amorim ayaa horay u qirtay in qaadista koobka Europa League Iyo waliba u soo bixista champions League in ayna ahayn xalka ugu fiican ee dib u dhiska kooxda Man United.
Tababaraha reer Portugal ayaa ogsoon in uu u baahanyahay wakhti uu kula shaqeeyo kooxdiisa laakiin ka ciyaarista champions League waxa ay ku noqonaysaa culays hor istaagi kara dib u dhiska uu wado.
Laakiin Man United waxa ay ku jirtaa kaalinta 16-aad ee kala saraynta premier League sidaas darteed waxa ay ku qasban yihiin in ay ku guulaysteen Europa League.
Mar wax laga weydiiyay cadaadiska isaga saaran ee sii kordhaya haddii United ay ku guuldareysato inay garaacdo Spurs Arbacada soo socota, Amorim wuxuu yiri: “Haa waa hubaal, haddii aynaan badin. Laakin taas kama welwelayo”.
“Waxa ay Man United u noqon doontaa guuldaro xun laakiin ma doonayo in aan marmarsiyahaas adeegsado laakiin way adkaan doontaa taasi waa dareenkayga”
“Samirka taageerayaasha, samirka kooxda Iyo waliba samirka xilli ciyaareedka ambe ayaa gaadhi doona halka ugu dambaysa waa in aan ilaalino”
Be the first to comment