Rodrygo Oo Shaaca Ka Qaaday Sidii Uu Ugu Dhawaaday Ku Biirista Liverpool.

Weeraryahanka Real Madrid Rodrygo ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool markii uu u ciyaarayay Santos, laakiin wuxuu diiday Reds sabab la xiriirta inuusan dooneyn inuu u ciyaaro.

Laacibka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa soo jiitay kooxaha ugu awooda badan yurub saba la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa isaga oo 8 gool dhaliyay intii uu u ciyaarayay kooxda Brasileiro ee 2018.

Real Madrid ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay tartanka loogu jiro in Rodrygo uu ka tago Santos, iyadoo bixisay €45m si ay u keento Bernabeu, halkaasoo uu ka noqday shaqsi aasaasi u ah nidaamka Carlo Ancelotti.

Hadda oo 23 jir ah, Rodrygo ayaa loo diiwaan geliyay 52 gool 40 kalena caawiyey 207 kulan oo uu u saftay Los Blancos, oo ay ku jirto laba gool oo cajiib ah oo uu kooxdiisa ka dhaliyay kulankii lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay ka badiyeen Manchester City xilli ciyaareedkii 2021-22.

“Waxa aan ku dhawaaday in aan ku biiro Liverpool”ayuu yidhi.

“Wax walba way ka heshiiyeen kooxaha Santos iyo Liverpool si aan u Aado England laakiin heshiiska ayaan dhicin maadama aanan doonayn in aan ku biiro Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga