Rodri, Kimmich, Rashford, Guardiola, De Bruyne, Diaz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin de Bruyne ayaa la filayaa in uu sii joogo kooxda Man City heshiis cusubna u saxiixo kooxda (Mirror).

Agaasimaha Kooxda Barcelona ee Deco ayaa doonaya xiddiga Liverpool ee Luis Diaz waxana ay diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan Raphinha si ay ugu dhaqaaqaan saxiixa (AS).

Kooxda Chelsea ayaa diyaarinaysa dalab 20 milyan ah oo ay ku doonayso saxiixa Goolhayaha Burnley ee James Trafford (Sun).

Barcelona ayaa wadahadalo la bilowday xiddiga Thiago Alcantara kaas oo ay doonayaan in uu noqdo caawiyaha Flick (AS).

Kooxda PSG ayaa dalab 100 milyan ah ku dalbanaysa xiddiga kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia kaas oo ay u doonayaan badalka Mbappe (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Al-Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha Man City ee Ederson (Mail).

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man City marka uu dhamaado heshiiskiisa haatan ee kooxda (Mail).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta tababaraha Brentford ee Thomas Frank Iyo tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino si loogu badalo Erik Ten Hag (Telegraph).

Hadii uu Pochettino tababare u noqdo kooxda Man United waxa uu chelsea kala soo wareegi doonaa xiddigaha Trevoh Chalobah Iyo Conor Gallagher (Football Insider).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Man City ee Rodri si ay ugu badasho Toni Kroos (90min).

Barcelona ayaa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad (Sport).

Tababaraha Kooxda Arsenal ayaa la xidhiidhay xiddiga Man United ee Rashford si uu ugu qanciyo in uu ku biro Arsenal xagaaga (AFCAMDEN).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga