Pep Guardiola Oo Dusha Laga Saaray Eeda Shaqo Ka Caydhinta Mauricio Pochettino, Sabab.

Pep Guardiola waa sababta Mauricio Pochettino uusan u sii joogin Chelsea.

Taasi waa sida uu qabo halyeey premier League ah.

Pochettino ayaa si xun ku bilowday noloshiisa Chelsea laakiin waxa uu kooxda guul ku hogaamiyay 6 kulan oo xidhiidh ah.

Chelsea ayaa dhamaadkii ciyaarta shaacisay in ay caydhisay tababaraha reer Argentine kaas oo ka tagay kooxda.

Halyeeyga Liverpool e Robbie Fowler ayaa qaba in uu Guardiola kor u qaaday waxa laga filayo tababarayaasha sidaas darted ayna caawin Pochettino arintaas.

“Hadii ay Milkiilayaashu arkaan in ayna kooxdoodu u ciyaarayn sida Man City isla markaas waxa uu samaynayaa is badal sida iska cad”ayuu Fowler yidhi.

“Nasiib daro tababarayaasha ayaa shaqadooda waayay mar kasta sabab la xidhiidha shaqada uu Pep Guardiola ka qabanayo Man City”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga