DEG-DEG: Chelsea Oo Ku Dhaw Badalka Pochettino

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta tababaraha Leicester City ee Enzo Maresca sida sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta badalka tababare cusub kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Pochettino kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Blues ayaa tababaraha Leicester City ee Enzo Maresca u calaamadsatay badalka ugu macquulsan ee tababare Pochettino.

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirtay Marcesca bilowgii todobaadka si ay u dhamaystiraan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Leicester City ayaa dalban doonta lacag magdhaw ah oo dhan 10 milyan si ay u fasaxdo tababarohooda.

Marcesca ayaa Leicester City ka caawiyay in ay u soo dalacdo premier League kadib markii ay ku guulaystay championship-ka.

Chelsea iyo Enzo Maresca ayaa qarka u saaran inay ku heshiiyaan shuruudaha qandaraaska.

Heshiis laba sano ah oo leh ikhtiyaarka xilli-ciyaareed dheeri ah ama heshiis seddex sano ah, tani waa faahfaahinta ugu dambeysa ee la caddeeyay.

Maresca ayaa mar hore ogolaaday Chelsea waxana ay haatan ku xidhantahay labada kooxood in ay ka heshiiyaan qiimaha magdhawga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga