Roberto De Zerbi Oo Ugu Cad-Cad In Uu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Man United.

Roberto De Zerbi ayaa si lama filaan ah ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Man United hadii ay kooxdu go’aansato in ay cayrsato Erik Ten Hag.

Wargayska MailOnline ayaa sheegaya in ay Man United xidhiidh la samaysay De Zerbi todobaadkii hore si ay wax uga waydiiso in uu noqon karo tababaraha cusub ee kooxda.

Man United ayaa todobaadkan samayn doonta qiimayn ay ku qiimaynayso xaalada Ten Hag kadib waxa ay go’aan ka gaadhi doontaa mustaqbalkiisa.

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in ay Man United iska caydhin doont Erik Ten Hag isla markaas raadin doonto tababare cusub.

Tababare De Zerbi  ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Brighton dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga