Robert Lewandowski & Joao Cancelo Oo Halis Ugu Jira In Ay Seegaan Kulanka El Clasico, Sabab.

Wargeysyada Isbaanishka ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ee Barcelona Robert Lewandowski iyo Joao Cancelo halis ugu jiraan in ay seegaan kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga.

Lewandowski, Cancelo, iyo Iñigo Martinez ayaa qaatay jaale kulankii Las Palmas, waxaana ay ganaax ku seegi doonaan kulanka Cadiz.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay in Cancelo iyo Lewandowski ay halis ugu jiraan in ay laba kulan maqnaadaan sabab la xidhiidha in ay si kas ah u qaateen kaadhka digniinta.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in sharciga anshaxa xiriirka Spain uu dhigayo in ciyaaryahan kasta oo si ula kac ah u qaata kaarka jaalaha ah in labo kulan laga ganaaxo.

Sidaas darteed labada xiddig ayaa halis ugu jira in ay seegaan kulanka El Clasico ee ka tirsan horyaalka La liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga